4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 2 , 2017
Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo isku dhiibay maamulka Jubbaland

 

Talaado, May, 02, 2017 (HOL) - Wasiirka amniga ee maamulka gobolleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ayaa sheegay in maanta uu maamulkooda isu soo dhiibtay sarkaal ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa sheegay in ilaa 11 xubnood oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab isku soo dhiibeen maamulka Jubbaland, iyaga oo ka faa’ideysanaya ayuu yiri cafiskii madaxweynaha dowladda Somaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirka ayaa inaa ku darray in sarkaalka maanta isa soo dhiibay lagu magacaabo Cabdikariim Sheekh Xasan oo dhinaca caafimaadka gobolka Gedo u qaabilsanaa Al-Shabaab.

Horay sidan oo kale oo deegaanno kala duwan oo dalka Soomaaliya ah waxaa maamulka dowladda isku dhiibay saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]