4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 2 , 2017
Faah faahin: dagaal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

 
Talaado, May, 02, 2017 (HOL) –Ugu yaraan afar qof oo dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab isugu jiray ayaa ku dhintay dagaal xalay ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaannada kala ah Lambar 50, Ceel wareegow, Gandarshe, Jilib Marka iyo sidoo kale deegaanno kale oo ku dhow magaalladda Marka.

Dagaalka markii hore waxa uu u dhexeeyay Al Shabaab iyo dad xoola dhaqata ah balse, markii dambe xoola dhaqatadda waxaa ay gurmad ka heleen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, sida Dadka deegaanka ay Hiiraan Online u sheegeen.

Guddoomiyaha deegaanka nambar 50 Cabdullaahi Cali Axmed Waafow, ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen labo ka tirsan dagaalyahanada Al Shabaab.

Guddoomiyaha sidoo kale waxaa uu sheegay in dagaalka uu socday in ka badan 48 saacadood, kaasi oo ka dhashay markii Al Shabaab ay weerareen tuulooyin hoostaga deegaanka Nambar 50.

Al Shabaab oo ka hadlay dagaalka ayaa waxaa ay sheegeen in ay dileen in ka badan 10 askari oo ciidanka dowladda ka tirsan. 

Xaaladda deegaannadii lagu dagaalamaya ayaa maanta degan sida dadka deegaanka ay noo sheegeen.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia