4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 2 , 2017
Wadatashi hordhac u ah shirka London oo lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho

Talaado, May, 02, 2017 (HOL) – Shir hordhac u ah shirka 10 bishan ka furmi doona magaalladda London ee dalka Ingiriiska ayaa maanta lagu qabtay magaalladda Muqdishu.

Shirkii maanta lagu qabtay xaruunta Afasiyooni ayaa waxaa ka qeyb-galay, wasiirka Dastuurka xukumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil, Sagal Isxaaq Biixi oo ah Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqda  Insaanka ee Baarlamaanka, Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, xubno ka socday ururadda Bulshada rayidka iyo xubno ka tirsan Guddiga qaban-qabada shirka London Somali converence.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa laga dooday mudnaanta dib-u-eegista dastuurka, nidaamka federaaliisamka, waddadii lagu gaari lahaa doorasho qof iyo codkii ah,  shirarka dhinac socon doona shirka London, xasiloonida iyo dimuqraadiyada dalka Soomaaliya.

Ka qeyb-galayaashii shirka ayaa waxaa ay su’aallo weydiinayeen martida shirka kasoo qeyb-gashay, iyagoona si too ah u helayay jawaabo ku aadan su’aallaha.

Madaxdii su’aallaha la weydiinayay waxaa ka mid ahaa, Cabdiraxmaan Ceynte, Wasiirka Dastuurka, Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Marwo Caasho Gelle, Xildhiban Sagal Biixi iyo marti kale.

Shirka London waxaa diirada lagu saari doonaa.:

1-      Xaqiijinta ammniga

2-      Dib-uhabeynta siyaasada iyo dowladnimada

3-      Hormarinta dhaqaallaha

4-      Heshiisyo cusub

Sanadkii 2011, dalka Soomaaliya waxaa ku dhuftay abaaro saameysay deegano badan oo ay maamulayeen Al Shabaab, waxaana abaartaasi ay galaafatay nolosha dad badan, sidoo kale isla sanadkaasi waxaa jiray afduubyo ay geysanayeen kooxaha burcad badeeda.

Soomaaliya ayaa kasoo kabsatay dhibaatooyinkaasi, kadib markii sanadkii 2012 la dhameystiray dowladnimada Soomaalidda, waxaana biloowday Qariirada federaaliisamka, sidoo kalana ay ciidanka AMISOM ay la wareegeen magaallooyin badan. Shirka Londan, ayaa waxaa uu muhiimad gaar ah u leeyahay taageerad umadda Soomaaliyeed, sidaasi waxaa yiri dowladda Ingiriiska.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia