4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 2 , 2017
Hay’adda UNICEF oo war ka soo saartay xaalada carruurta Soomaaliyeed

 

Talaado, May, 02, 2017 (HOL) -Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee UNICEF ayaa magaalada Geneva ka soo saartay warbxin ay kaga hadlayso xaaladda nolaleed ee waqtigan ay ku sugan yihiin carruurta Soomaaliya.

Warbixinta hay’adda ayaa lagu sheegay in carruur tiradoodu garayso 1.4 milyan ay iminka la ildarn yihiin, Gaajo iyo Abaar saamaysay sanadkan qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya, waxaana ay intaa ku dartay in ay dhici karto dhibaatadaasi inay sii kororto 50% isla sanadkan gudihiisa.

Afhayeenka UNICEF oo saxaafadda la hadlayay ayaa intaa raaciyay in dhibaatada cunta yarida haysata carruurta Soomaaliyeed ay u wehiliso cudurka dilaaga ee Cholera oo la sheegy in uu ku faafay degaano badan oo dalka Soomaaliya, ayna iminka la ildaran yihiin sida warbixinta lagu sheegay 275 kun oo Caruur ah.

Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in sanadkii tagay xalisay dhibaatada cunta yarida haysata Caruurta Soomaaliya 88% , balse bilawgii sanadkan ay sii korartay dhibatadaasi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]