4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 2 , 2017
Ra’iisal wasaaraha oo daah furay kulan labo cisho ah oo lagu dardargalinayo howlaha xukuumada

 

Talaado, May, 02, 2017 (HOL) – Ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa maanta daah-furay kulan wadatashi (Retreat) labo cisho ah oo ay xubnaha golaha wasiirada ku dar-dargelinayaan waxqabadka xukuumadda.

Ujeedada kulankan labada cisho ah oo ay wasiiradu ku gorfeynayaan qorshe-howlleedka xukuumada ayaa ah sidii qorsheyaasha wasaaradaha ay u noqon lahaayeen kuwo mideysan oo ka tarjumeysa barnaamijka xukuumadda.

Sidoo kale ujeedada kulankan wadatashiga ah ayaa ah dhaqangelinta barnaamijyada isku xirka bulshada iyo daawladda, loogana hadli doonaa sidii loo dhaqangelin lahaa dawlad wanaag, isla xisaabtan, furfurnaan iyo u-adeegidda bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisal wasaaraha oo daahfuray kulankan wadatashiga ah ayaa ka hadlay muhiimada wadatashiga oo uu sheegay in wasiirada looga fadhiyo inay u adeegaan shacabka Soomaaliyeed. ra’iisul wasaaraha ayaa yiri “Xukuumaddu waa in ay horumuud ka noqotaa dardargelinta waxqabadka dowladda si loo kordhiyo kalsoonida shacabka oo muhiim u ah hirgelinta barnaamijka xukuumada. Anniga ka ra’iisal wasaare ahaan waxaan diyaar u ahay inaan furumaha dagaalka tago oo aan ciidamada geesiyaasha la wadaago daruufaha adag oo ay ku howlgalayaan, waxaana diyaar u ahay in aan nafteyda ku waayo oo aan u huro difaaca shacabka.”

Kulankan wadatashiga ah ee labada cisho ayaa lagu lafagurayaa arrimaha ay dowlada siisay mudnaanta sida ka hortaga abaaraha, soo celinta amniga iyo nabadeynta, kobcinta dhaqaalaha, la dagaalanka musuqmaasuqa, gaarsiinta doorashooyin hal cod iyo hal qof ah, dib-u-heshiisiinta, midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo xiriirka caalamiga ah.

Khubaro ku xeel dheer arrimaha mudnaanta leh ayaa jeedin doona casharo wasiirada loogu sharaxayo xaalada dalka iyo sida loo gaari karo in waxqabad dhab ah lala yimaado.

Sidoo kale, kulanka ayaa intii uu socday waxaa laga dhageystay cabashooyin qaar kamid ah shacabka oo iyagu ku biiriniyey tallooyinkooda Xukuumadda, waxana ay soo bandhigeen caqabadooyin kala duwan oo ay la kulmeen.

Kulanka ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ay yeeshaan gollaha wasiirada xukuumadihii isaga danbeeyay dalka, marka laga soo tago shirarka maalinlaha ee todobaadkiiba mar ay yeeshaan gollaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]