4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 2 , 2017
Al-shabaab oo la sheegay in ay dileen dagaalyahanno Kenyaan ah oo ka barbar dagaalamayay

 

Talaado, May, 02, 2017 (HOL) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in la dilay dagaalyahano u dhashay dalkeeda oo ku biiray ururka Al Shabaab, kaddib markii Al-Shabaab ay ka shakiyeen dagaalyahanadan.

Kenya waxaa ay sheegtay dagaalyahanadaasi ka tirsanaa Al-shabaab in ay isla xoogag ka tirsan ururka, kadib markii looga shakiyay in ay xiriir la leeyihiin dowladda Kenya.

Agaasimaha hawlgalka Linda Boni, James Ole Seriani ayaa hadalkaasi ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaaladda Laamu, wuxuuna tilmaamay in dagaalamayaasha Kenyaanka ah looga shakiyay in ay basaasiin u yihiin dowladda Kenya.

Waxaa uu ku dooday in ay jiraan tiro badan oo Kenyaan ah oo laga qoray qaybo ka mid ah dalka, oo ay ku jirto Laamu kuwaa ku biireen Al-shabaab, laakiin ugu danbeyntii la dilay.

“Waxaan haynaa warbixino sheegaya in ugu yaraan 6 dhallinyaro Kenyan ku biiray Al-Shabaab lagu dilay gudaha Soomaaliya muddadii u dhaxeysay bilihii March iyo April oo kaliya.” ayuu yiri agaasimaha howlgalka Linda Boni.

Al Shabaab ayaa dhawr horer toogasho ku dilay rag ajaanib ah oo u dhashay dalalka Kenya iyo Tanzania, kuwaa oo uga shakiyeen in ay u basaasaan dowladaha reer galbeedka.

Ma’aha markii ugu horeysay oo Al-shabaab sidan oo kale loogu eedeeyo in ay khaarajiyaan dagaalamayaasha ajaanibta ah ee ka tirsan ururka, iyaga oo uga shakiya in macluumaadka ama sirta kooxda u gudbiyaan meelo kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]