4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 2 , 2017
Askari ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu toogtay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir

Talaado, May, 02,  2017 (HOL) –  Saraakiil ka tirsan maamulka degmada Wadajir ayaa warbaahinta u sheegay in rag hubeysan  goor dhaw oo maanta ah ku toogteen degmada askari ka tirsanaa ciidamada asluubta dowladda federaalka Soomaaliya.

Toogashada askariga waxaa geystay rag ku hubeysnaa bastoolad kuwaa oo goobta isaga cararay kaddib dilka askari ka tirsanaa ciidamada dowladda.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in toogashada kaddib goobta tageen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo halkaa ka bilaabay baaritaanno la xiriira dilka, hasse ahaatee lama sheegin cid arintan loo xiray ama loo qabtay.

Dilkan ayaa imanaya xili dhawaan ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre la dardaarmay ciidamo ka tirsan nabad-sugida oo loogu talagalay in ay sugaan amniga caasimada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]