4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 2 , 2017
Ahlu Sunna oo faah faahin ka bixisay sababihii fashilka wada hadaladii ay la lahayeen Galmudug

 

Talaado, May, 02, 2017 (HOL) – Madaxweynaha maamulka gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa markii ugu horeysay faah faahin dheeraad ah ka bixiyay sababaha fashilka wada hadaladii ay la lahaayeen maamulka Galmudug.

Waxaa uu sheegay dhinacooda ay kulanka la tageen labo sharuuddood oo sida uu hadalka u dhigay u cuntami waayay dhinaca dowlad gobolleedka Galmudug.

‘’Annaga waxaan dalbanay labo sharuuddood oo kala ah marka hore in leysku daro labada baarlamaan iyo in marka leysku daro kadib la tago xarunta maamulka gobollada dhexe ee Dhuusa-mareeb, halkaana laga cadeeyo in heshiis buuxa la gaaray ayuu yiri ‘’ madaxweynaha maamulka gobollada dhexe.

Hasse ahaatee waxaa uu sheegay in ay soo baxday baqdin ay ka muujiyeen dhinaca Galmudug qodobka ah  in leysku daro labada baarlamaan oo haddii ay taa dhacdo is badal ka ku keeni karta awood qeybsiga hogaanka sare ee maamulka Galmudug.

‘’Xubnihii ku matalayay wada hadalada dhinaca Galmudug ayaa si toos ah u sheegay in aysan aqbali karin in labada baarlamaan leysku daro, waxa loo diidayna waxa weeye waxaa laga baqay in aan aniga ku soo baxo kursiga madaxweynaha maamulka Galmudug ayuu yiri ‘’ Sheekh Max'ed Shaakir.

Inkastoo madaxweynaha maamulka gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Waljameeca uu sheegay in ay fashilmeen wada hadalladii ay la lahaayeen Galmudug, haddana dhinaca kale war-saxaafadeed ka so baxay dowladda federaalka ayaa lagu sheegay wada hadalada is afgarad laga gaaray laguna balamay in ay sii socdaan kaddib doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug ee loo balansan yahay maalinta beri ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]