4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 2 , 2017
Wafdi ka socda beesha caalamka oo tagaya magaalada Cadaado

 

Talaado, May, 02, 2017 (HOL) – Sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan maamul gobolleedka Galmudug saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in magaalada Cadaado gaaraan wafdi heer caalami ah, kuwaa oo goob joog u noqon doona doorashada madaxweynaha ee maalinta beri ah la filayo in ay halkaa ka dhacdo.

Ilaa saddex musharax madaxweyne ayaa maalintii shalay khudbado la xiriira wax qabadkooda haddii ay ku guuleystay xilka madaxweynaha ka hor jeediyay baarlamaanka Galmudug, waxaana musharixiintaa ka mid ah Prof C/qaadir Max’ed Shirwac, Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Axmed Shariif Cali Hiloowle.

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xusseen Guulleed ayaa xilka iska casilay, kadib markii ay kalsoonida kala noqdeen inta badan xildhibaannada maamul gobolleedka Galmudug, inkastoo is casilaadiisa uu ku fasiray arimo la xiriira caafimaadkiisa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]