4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 2 , 2017
Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay deegaanno hoostaga gobolka Sh/hoose

 

Talaado, May, 02, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in dagaal saacado badan qaatay uu ku dhaxmaray deegaanno hoostaga gobolka ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa xarrakada Al-shabaab.

Dagaalka ayaa dhacay kaddib markii Al-shabaab ay weerartay saldhig ciidamada dowladda ku lahaayeen meel u dhow deegaanka Number 50.

Wararka ayaa sheegaya in uu jiro khasaare ka dhashay dagaalka, waxaana Al-Shabaab lagu eedeeyay inay gubeen deegaano guryo.

Cabdullaahi Waafoow oo ah guddoomiyaha deegaanka Number 50 ayaa sheegay in dagaalka ay uga dileen alshabaab tiro dagaalyahano ah, ayna gacanta ku hayaan meydadka labo dagaalyahan.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku darray in Al-shabaab ay gubeen deegaano markii hore laga barakacay, sidoo kalana ay laayeen xoolo dad rayid lahaayeen, waa sida uu hadalka u dhigay guddoomiyaha.

Xaalada deegaanadii lagu dagaalamay ayaa saakay degan, waxaana Al-Shabaab la sheegay in ay dib ugu laabteen goobihii ay markii hore soo weerareen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]