4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 2 , 2017
Kulan hor dhac u ah shirka London oo maanta ka dhacaya magaalada Muqdisho

 

Talaado, May, 02, 2017 (HOL) – Iyadoo maalmihii ugu danbeeyayba magaalada Muqdisho ka soconayeen kulamo is daba joog ah oo ay lahaayeen mas’uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka, ayaa lagu wadaa in maanta mar kale xarunta Xalane uu ka furmo kulan hor dhac u ah shirka 11 bishan lagu balansan yahay magaalada London ee dalka Britain.

Kulanka maanta ka furmaya xarunta Xalane ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb-gallaan madaxda dowladda, Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Mas’uuliyiin ka socota dowladda Britain.

Kulankan ayaa u muuqda mid ka heer sareeya shirarkii dhacay maalmihii aynu soo dhaafnay, waxaana la filayaa in ay ka qeyb-galleen wafuud ka ballaaran intii hore.

Kulamadan ayaa lagu wadaa in lagu gaaro hishiisyo quseeya iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya iyo beesha Caalamka.

Shirka London ayaa la filayaa in ay ka soo qeybgalaan wakiilada  in ka badan 50 dowladood.

Ma’aha markii ugu horeysay oo ay dowladda Britain marti-galiso kulan heer caalami ah oo looga hadlayo xaalada Soomaaliya, hasse ahaatee kulankan ayaa ku soo beegmaya waqti xasaasi ah, madaama lagu eegayo xaaladaha amniga, siyaasada iyo abaaraha ka jira dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]