
Arbaco,
May, 17, 2017 (HOL) - Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa
Aqalka cad ee looga arimiyo dalkaasi ku soo dhaweeyay Madaxweynaha dalka Turkiga
Erdogan oo booqasho ku gaaray dalkaasi.
Labada Madaxweyne ayaa kulankooda uga wada hadla arimo muhiim ah oo ugu
horeeyaan xoojina xariirka labada wadan iyo sidii a isaga kaashan lahaaeen la
dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisada bariga dhaxe.
Madaxweynaha Turkiga ayaa u shegay Donald Trump sida ay uga soo horjeedo
dowladiisa in ay hubeeso dagaalyahanada Kurdiyiinta ee ku sugan gudaha Ciraaq
iyo Siiriya ee dagaalka kula jira Kooxda Daacish.
Erdogan oo ka hadlay shir jaraa'id ay wada qabteen dhigiisa Dalka Mareykanka
Trump ayaa sheegay in dowladiisa aysan marnaba aqbali doonin wadashaqeynta lala
yeesho maleeshiyada Kurdiyiinta ee YPG ee dagaalka kula jirta Daacish.
Dowlada Turkiga ayaa aaminsan Kooxda Kurdiiinta ee YPG ee hubeeneyso dowlada
Turkiga in ay yihiin farac ka baxay Kooxda PKK ee dagaalka kula jirto dowlada
Trukiga, waxa uuna Madaxweyne Erdogan uga digay Mareykanka in ay hubeeyaan
kooxdaasi.
Dowlada Mareykanka ayaa dhawaan shaaca ka qaada in uu hubeynayo maleeshiyaadka
kurdiiinta ee YPG oo ay sheegay in ay yihiin kooxda kaliya ee dowladda Islaamka
Daacish ka qabsan kara magaalada Raqa ee dalka Siiria iyo magalaooyin kale.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]