SIILLAANYO“Cid kasta oo ay ku caddaato lunsi iyo xatooyo xoolaha qaranka, waa in tallaabo sharci ah laga qaadaa”
Isniin, May, 01, 2017 (HOL) - Madaxweyne Axmed Siilaanyo,
ayaa kulan isugu yeedhay Saddexda hay’addood ee kala ah Hanti dhawrka guud ee
qaranka , Xeer Ilaalinta qaranka iyo Komishanka Maamul wanaaga.
Nuxurka Kulankan uu Madaxweynuhu la qaatay Saddexdan
Hay’adood ee Dastuuriga wuxuu daranaa, sidii ay saddexdaa hay’adood uga wada
shaqayn lahaayeen ka hortaga, dabagalka iyo xakamaynta lunsiga iyo
ku tagrifalka hantida qaranka.
Madaxweynuhu wuxuu masuuliyiinta dawladda faray in wakhtiga
kala guurka ah lagaga faa’iidaysan in musuqmaasuq la sameeyo, waxaanu
madaxweynhu faray Hanti dhawrka qaranka, Hay’adda Maamulka wanaagga iyo
Xeer ilaalinta Qaranka in Hay’add walba ay masuuliyada qaranka u hayso uga soo
baxdo sidii ay ahayd.
“Baadhista iyo dabagalka lunsiga hantida qaranka waa
masuuliyad saaran hanti dhawrka guud ee qaranka. Sidoo kale oogista danbiyada
laga galo qaranka ee la xidhiidha lunsiga hantida umadda waxaa u
xilsaaran xeer ilaalinta qaranka, Komishanka maamul wanaaggu iyaga
xilkoodu waa baadhis xaga maamulka ah iyo toosin iyo tayeynta maamulka dawliga
ah, si loo helo maamul hufan oo wanaagsan. Kulankaa waxaa madaxweynaha ku
wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil
(Saylici), wasiirka madaxtooyada,Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirka
wasaaradda warfaafinta, mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), wasiir
ku xigeenka madaxtooyada, MudaneAxmed Xaashi Cabdi, madaxda hay’addaha saddexda
ah.”ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay
“waxaan ahay Mas'uul caan ku ahaa cimrigii, maamul wanaag
iyo nacaybka xatooyada xoolaha ummadda. Muddadii aan qarankan hoggaaminayey,
waxaan xooga saaray sidii loo dhisi lahaa qaran ka bad qaba cudurrada ragaadiya
horumarka dalka, ee ay kow ka yihiin maamul-xumida iyo musuqmaasuqu.Sidaa
darteed, waxa iga go'an in aan ummaddayda uga tago dhaxal wanaagsan, isla
markaana aan naftayda u reebo taariikh duug ah.”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo
oo la hadlayey hay’adan uu la kulmay.
“Sida aad dareensan tihiin, xilliyada kala guurka marka ay
dawladuhu galaan, waxa dhacda in la xalaashado hantida ummadda, boob iyo dhacna
uu bilaabmo. Haddaba, si aynu uga hortagno arrimahaa, waxaan idin farayaa in
aad laban laabtaan dedaalkiinna, isla markaana xilkiina u gudataan si karti iyo
hufnaan leh.”ayuu raaciyey hadalkiisa.
Waxanu intaas ku daray “Waxa reebban, ku tagri falka
hantida ummadda nooc kasta oo ay tahay, waxaanan idin farayaa in aad feejignaan
joogta ah u yeelataan ilaalinta hantida ummadda. Cid kasta oo ay ku caddaato
lunsi iyo xatooyo xoolaha qaranka, waa in tallaabo sharci ah laga qaadaa.
Waxaan idiin cadaynayaa in aanay jirin cid sharciga ka saraysaa oo aanu xeerku
qabanayn. Waxaan idinka doonayaa, warbixin joogta ah iyo hawlgallo dhab
ah, oo lagu ilaalinayo hantida ummadda.”.
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.