4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 1 , 2017
Maamulka Hirshabeelle oo ka cabanaya dowladda federaalka

 

Isniin, May, 01, 2017 (HOL) – Maamulka Hirshabeelle ayaa warqad cabasho ah oo ka dhan ah dowladda federaalka Soomaaliya u gudbiyay xildhibaannada laga soo doorto deegaannada uu maamulka ka arimiyo ee ku jira baarlamaanka federaalka, kadib markii sida ay sheegeen dowladda iska hortaagtay in ay dib u hagaajin ku sameeyaan garoomada diyaaradaha iyo dekedaha ku yaala deegaannada hoostaga maamulka.

Wasiirka wasaarada dekedaha iyo gadiidka maamulka Hirshabeelle Cabdikariin Cali Nuur ku sheegay in dowlada federalka ay ka hortaagan tahay maamulka Hirshabeele inuu furto dekedaha iyo garoomada diyaaradaha ee ku yaal Hirshabeelle.

“Dowlad goboleedyada kale sida Puntland waa loo oggol yahay inay dekedahooda iyo garoomadooda shaqeeyaan ayna la galaan heshiisyo dalalka dibada balse Dowlad Goboleedka Hirshabeelle looma ogola inay furato dekedaheeda iyo garoomada diyaaradaheeda.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowlad goboleedka Hirshabelle.

Maalmihii ugu danbeeyay deegaannada uu ka arimiyo maamulka Hirshabeelle waxaa ka soconayay dibadbayo looga soo horjeedo dowladda federaalka, hasse ahaatee wali arinta kama aysan jawaabin mas’uuliyiinta dowladda.

Hoos ka Akhriso qoraalka :

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]