4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 1 , 2017
Xildhibaannada Galmudug oo khudbado ka dhegeysanaya musharraxiinta Madaxweyne

 
Isniin, May, 01, 2017 (HOL) -Musharraxiinta Madaxweyne ee maamul-gobolleedka Galmudug ayaa maanta Khudbaddo ka horjeedinaya Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulkaasi.

Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa sheegay in ilaa iyo saddex musharax ay hor imanayaan Baarlamaanka, kuwaas oo kala ah.

1-      Axmed Ducaale Geelle Xaaf

2-      Cabdikadir Maxamed Shirwac

3-      Axmed Shariif Hilowle

Musharraxiinta ayaa xildhibaannada u akhrinaya barnaamijkooda siyaasadeed, haddii ay ku guuleystaan xilka madaxtinimada ee Galmudug.

Baarlamaanka Galmudug ayaa lagula dar-daarmay in si wanaagsan ay u dhegeystaan khudbadaha si ay go’aan uga gaaraan qofka ay codkooda siinayaan maalinta doorashada.

Doorashada Madaxtinimada Galmudug ayaa la filayaa in 3-da bishan lagu qabto magaalladda Cadaado oo ah xaruunta ku-meelgaarka ee Galmudug.

Madax ka kala socda dowladda Federalka iyo maamul-gobolleedyadda dalka ayaa la filayaa in ay ka qeyb-galaan doorashada maamulkaasi oo ka dhici doonta Cadaado.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia