4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 1 , 2017
Shuban biyoodka oo ku sii fidaya deegaano badan oo hoostaga degmada Buuhoodle

 

Isniin, May, 01, 2017 (HOL) - Shuban biyood mudooyinkii u danbeeyey ka jirey deegaanka Buuhoodle ayaa si xawli leh ugu faafaya degaano balaadhan oo hoos yimaada iyadoo laga cabsi qabo inuu u gudbo degmada Laascaanood.

Isbitaalka Daryeel ee Buuhoodle ayaa maanta dadka yaal la sheegay in ay yihiin 202 ruux iyadoo maalinkasta la keenayo bukaan horleh oo xanuunku uu soo ridanayo, halka qaarbadanina ay ka badbaadayaan oo banaynayaan goobihii dadka cusub la jiifin lahaa,

Isbitaalka ayaan awood u lahayn daboolida baahiyeed ee bukaanka isdaba socda kuwaas oo inta badan laga keenayo dhinacyada baadiyaha, taasina waxa ay keenatay in dhirta hoosteedu qayb ka noqoto waadhka dadka la dhigayo.

Magaalada Widhwidh oo 60Km. bari kaga quman Buuhoodle ayaa ah halka ugu badan ee dhibaatada shuban biyoodku sida xawliga u naafeeyey iyadoo 48dii saacadood ee la soo dhaafay la jiifiyey isbitaalka 108 ruux.

Widhwidh ayaan lahayn wax gaadiid caafimaad ah iyadoo ay dadka dhabaatada shuban biyoodku saameeyaana ay u badan yihiin dhulka ka baxsan xili roob ka da'ay oo gaadiidka caadiga ah aanu awoodi karin socodka wadooyinka.

Deegaanada Banyaal, Dandan, Geed-dheer, Xamar-lagu-xidh iyo degaano kale ayaa iyagana la sheegayaa in goobaha iskoolada la dhigay dad badan oo bukaankaan ah si loogu dabiibo loogana saaro bulshada dhexdeeda iyadoo 11 ruux ay dhinteen 48 saacadood ee aan soo dhaafnay.

Dhamaan degaanadaasi waxay si aad ah uga cabanayaan in aanay haysan daryeel caafimaad oo ay ku xakameeyaan dadka soo uu soo ridanayo xanuunkan oo hada galaaftay boqolaal dad ah oo u badan caruur iyo dad waayeel ah.

Korarka dadka uu soo ridanayo Shubanka ayaa waxaa sabateeda la saarayaa curashada roobka oo sababay in dadku cabaan biyo aan nadiif ahayn iyadoo baqtiga xoolaha uu daadsanaa degaanka oo dhan, waxaana la sheegayaa in ay dhici karto in uu ku sii fssfo degaano kale maadaama ay jirin wax maamul ah oo xakamaynaya isu socodka bulshada iyo wacyigelin la'aan.

Seynab A Warsame

[email protected]

Gobolka Sool