4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 1 , 2017
Dowladda Jarmalka oo Soomaaliya ugu deeqday 70 Milyan oo Yuuro

 
Isniin, May, 01, 2017 (HOL) - Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha dibadda dalka Jarmalka ahna Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalkaasi Mudane Sigmar Gabriel, ayaa maanta booqasho aan horay loo sii shaacin ku yimid magaalladda Muqdishu.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaraddaha ee Aadan Cadde kusoo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, iyo xubno ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Intaasi kadib, ayaa Wasiirka arrimaha dibadda dalka Jarmalka ahna Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalkaasi, waxaa uu kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cai Khayre, waxaana kulanka kadib, ay si wada jir ah ula hadleen Saxaafadda.

Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cai Khayre, ayaa sheegay in dowladda Jarmalka ay bilowday in Soomaaliya ay taageerto shan maalin kadib, markii xuriyada Soomaaliya ay qaadatay, isagoona dhinaca kale sheegay in Jarmalka ay wali wado taageeradda ay siiso Soomaaliya.

Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Jarmalka Mr Signar Gabriel ,ayaa dhankiisa sheegay in dowladda Jarmalka ay ugu deeqday Soomaaliya lacag dhan 70-milyan oo Euro, isagoona ballanqaaday in ay kordhin doonaan tageeradda noocaasi ah.

Dhinaca kale wasiirka ayaa ka hadlay, arrimo ay ka midyihiin, dowladdnimada, abaaraha dalka Soomaaliya ka jira, Shirka London Somali Conference iyo arrimo kale.

Ugu dambeyn R/wasaaraha dowladda JFS Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka mahadceliyay lacagahaasi deeqda ah, isagoo ku booriyay in dowladda Jarmalka ay halkaasi ka sii wadaan taageeridda dadka Soomaaliyeed.

8-dii Bishii Maarso ee sanadkan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa warqadaha Aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay safiirka dowladda Jarmalka u qaabilsan Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Safiirka Jarmalka u qaabilsan dalalka Soomaaliya iyo Kenya Ambassador Jutta Frasch, ayaa ka wada hadlay sidii dib loogu soo nooleyn lahaa xiriirkii Taariikhiga ahaa ee labada dal.

Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia