4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 1 , 2017
Dood cilmiyeedkii fagaaraha oo lagu qabtay Minneapolis iyo qodobadii ka so baxay (Sawirro)


Isniin, May, 01, 2017 (HOL) – Iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu sheegay in dowladiisu ay xoggaa saari doonto dib u heshiisiin dhab ah oo la dhaxdhigo dadka Soomaaliyeed ayaa waxaa shalay magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota lagu qabtay doodcimiyeedkii Fagaaraha, qeybtiisii 25-aad, kaas oo looga dooday dib u heshiisiin iyo nabad waarta oo ka dhacda dalkeenna Soomaaliya.

Waxaa doodan ka qeyb galay. Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka Ambassador Axmed Ciise Cawad, Wasiirkii hore ee Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Dr. C/nuur Sheekh Maxamed, Prof. Xuseen Axmed Warsame oo ah macallin iyo cilmibaare ka tirsan Jaamacadda Calgary ee waddanka Canada iyo La taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada Marwo Caasho Abuukar Qaassim.

Waxaana doodan daadihinaayay Faarax Max'ed Cali ( F Blue) oo u qaybinaayay aqoonyanadii falanqeenayeey mawduuca aan kor ku soo xusnay.

Qodobadii ugu waaweynaa oo ay aqoonyahanan Soomaaliyeed ay farsamo iyo hab ahaan u soo jeediyeen in lagu heli karo dib u heshiisiin dhab ah waxaa ka mid ahaa:-

1. Sameynta Guddiga Runta iyo dib u heshiisiinta Qaran

2. Dhaqaalihii ku bixi lahaa dib u heshiisiinta

3. Siyaasad Qaran oo Xassiloon

4. Daacadnimo

5. Caddaalad

6. Qirasho

7. Is Cafin

8. Iyo Dastuurka

“Caqabadaha ugu waaweyn ee ka horimaan kara dib u heshiinta waxaan ka mid ah Al-shabaab oo aan aaminsanahay inay tahay in lala hadlo, Federalka iyo arrinta Somalialand” ayuu yiri Prof. Xuseen Warsame oo intaas ku daray in qodobka 111-aad xarafka I uu dhigayo in la sameeyo guddiga runta iyo dib u heshiisiinta, kaas oo madax bannaan doona, ayna ku jiraan odayaal, culimo, aqoonyahanno, sharciyaqaanno iyo xirfadleyaal kale oo imaan kara ururada bulshada rayidka ah iyo khuburada arrimaha ammaanka.

“Waxaan u baahanahay kharash iyo taageero dibadda ah, Dastuurka oo aan adkeyno iyo in wax laga qabto meel kasta oo colaadi ka muuqato ama kala fogaasho ka imaan karo” ayuu sii raaciyay Prof. Warsame.

Marwo Caasho Qaassim ayaa sheegtay inay aaminsantahay in arrinta dib u heshiisiinta ay tahay in deg-deg loo qabto oo aan la sugin in wakhti kale uu ka lumo ummadda Soomaaliyeed.

“Dhibaatadu kulligeen waa na saameysay, waxaana habboon inaan kulligeen ka qeyb qaadanno sidii ay u dhici laheyd dib u heshiisiin dhab ah oo ku saleysan dhaqankeenna iyo diinteenna, taas oo noo horseedda nabad waarta iyo nidaam dowladeed oo adag” ayay tiri Caasho Qaassim oo sheegtay in madaxweyne Farmaajo uu kalsooni ku qabo in dadka Soomaaliyeed ay heshiin karaan.

“Dowladda Farmaajo waxay ka ra’yi qaadaneysaa dowaladihii hore, waxaana aaminsanahay inaan ka guul gaari doono ballan qaadyadda haddii shacabku garab istaago” ayay sii raacisay.

Dr. C/nuur Sheekh Maxamed, wasiirkii hore ee Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa sheegay in dib u heshiisiintu u baahnaan doonto dowlad xoog leh oo leh dhaqaale, ciidan, maxkamado iyo shuruuc lagu hirgaliyo, wuxuuna sheegay inta laga helayo dowlad awood leh ay ula muuqato inaan la joogin xillgii dib u heshiinta.

“Waa waajib islaami ah oo na saaaran inaan is cafinno oo aan heshiinno, waxaan u baahanahay waddaniyiin iyo culimo dadka u sheegta inaan walaallo nahay oo wada jirkeennu muhiim yahay” ayuu yiri Dr. C/nuur oo intaas ku daray in dhibaatada ugu weyn ay noqon doonto tan siyaasadda, waxaana isagoo rajo ka muujinaya arrinta Somaliland uu sheegay ay muhiim tahay in gobolada koofurta ay is xalliyaan marka hore.

Ambassador Axmed Ciise Cawad, safiirka Soomaaliya ee Mareykanka oo hore u soo ahaa sarkaal ka tirsanaa qaramamad midoobay oo ka shaqeeya arrimaha xallinta khilfaadka iyo dib u heshiisiinta ayaa sheegay in dib u heshiisiintu ay dhalin doonto xaalad cusub oo dadka ka gudbisa dareenkii iyo raadkii colaadaha.

“Waxa ugu yar ee dib u heshiintu keento waa inay joojiso dhiig daadanaya” ayuu yiri Ambassador Cawad oo intaas raaciyay “Labada qaab ee dib u heshiisiinta ee Top down iyo bottom up Soomaaliya waa soo aragtay, mana ahan dib u heshiisiintu wax hal mar dhaca ee waa hannaan tartiib-tartiib u socda, waxa kaliya oo la rabo inaan billowno waa inaan is aaminno oo kalsoonidii shacabka iyo dowladda u dhexeyso soo celinno, dowladdana lagu kalsoonaado”

Wuxuu sheegay safiirku in qof kasta oo Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo uu masuul ka yahay dib u heshiisiinta, si dowladnimadu u taabbo gasho, fahanka shacabka ee dowladnimaduna uu noqdo mid sax ah.

Ugu dambeyntii marti sharaftan ayaa ka jawaabay dhowr su’aalood oo ka soo qeyb galeyaashii doodan ay weydiiyeen, kuwaas oo la xiriiray dib u heshiisiinta, waxaana gaban-gabadii ka muuqatay in aragtiyadii la is dhaafsay ay ahaayeen kuwa dhaxal gal ah.

Siyad  Said Salah,

Hiiraan Online

[email protected]

Minneapolis, Minnesota.