4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 1 , 2017
Al-shabaab oo labo ruux dhagax iyo toogasho ku dishay deegaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan

 

Isniin, May, 01, 2017 (HOL) – Xarrakada Al-shabaab ayaa maanta fagaare ku yaalo deegaanka Buq-aqable ee Gobolka Hiiraan, ku dilay laba ruux oo mid ka mid ah oo ku eedeysnaa kufsi.

Mid ka mid ah raggan la dilay oo lagu magacaabo Ibraahim Raagoow 29 sano jir ah ayaa la sheegay in lagu dilay dhagax kadib markii lagu helay fal kufsi ah, halkaa Yuusuf Cali Bajii 22 jir ah oo ku eedeysanaa in uu toogasho ku dilay seyga gabdhaha la kufsaday Al-shabaan ku fuliyeen dil toogasho ah.

Fagaaraha xukunka dhagax ku dilka ah iyo toogashada ay ka dhacday ee deegaanka Buq-aqable ee Gobolka Hiiraan, ayeey Al-shabaab ka sheegeen in labada ruux ee la dilay lagu soo qabta hawlgal ay fuliyeen.

Xukunkan ayeey Al-shabaab sheegeen in ay fulisay maxkamada ururkaee gobolka Hiiraan, waxaana saakay markii xukunkauu dhacaayay fagaaraha ku sugnaa dadweyne fara badan oo isaga kala yimid deegaankada ku dhaw dhaw Buq Aqable.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]