4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 1 , 2017
Faafaahin: Shil gaari oo ka dhacay Magaalladda Garoowe


Isniin, May, 01, 2017 (HOL) - Ugu yaraan Afar ruux ayaa ku geeryootay shil gaari oo ka dhacay magaalladda Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in 7 ruux ay ku dhaawacmeen shilka, kuwaas oo hadda lagu daweynayo magaalladda Garoowe.

Dadka dhaawacmay ayaa la sheegayaa in qaarkood xaaladdooda ay aad u liidato.

Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen Gaari Booyad ah oo xowli ku socotay iyo sidoo kale gaari kuwa yar-yar ah, sida goob-joogayaal ay sheegeen.

Maamulka Puntland wali kama aysan hadlin, shilka gaari ee ka dhacay Garowe.

Shilalka gaari ee ka dhaca deegaannada Puntland, ayaa inta badan waxaa ka dhasha khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Bishii June ee sanadkii hore, ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay degmadda Dhahar.

Sidoo kale bishii October ee sanadkii 2016, ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay duleedka magaalladda Qardho.

Hiiraan Online, 
Waxaa soo wariyay Feysal Boston
Waxaa Qoray Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia