4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 1 , 2017
Wasiirka arimaha dibada Jarmalka oo Muqdisho gaaray

 Isniin, May, 01,2017 (HOL) -- Wasiirka arrimaha dibadda Jarmalka Sigmar Gabriel ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, iyadoo uu ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Booqashada wasiirka arrimaha dibadda Jarmalka oo aheyd mid aan horay loo sii shaacin ayaa waxaa la filayaa inuu la kulmo Madaxda dowladda.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu haatan kulan la leeyahay wasiirka arrimaha dibadda Jarmalka.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Dowladda Jarmalka ayaa ka mid ah dowladaha midowga yurub ee ugu awooda badan, kuwaasoo taageera howl galka nabad ilaalinta AMISOM, oo dhaqaale fara badna ku bixiyaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]