4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 1 , 2017
Xarrakada Al-shabaab oo lagu eedeeyay in ay gubeen raashin loo waday dadka ay abaarta saameysay

Isniin, May, 01, 2017 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool gaar ahaan degmada Waajid ayaa sheegaya in Al-shabaab gubeen raashin gargaar ah oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka ay abaarta saameysay.

Raashinkaan ayaa la sheegay in lagu waday gaadiid,waxaana la doonayay in la gaarsiiyo dadka ay ku habsatay abaarta si loo samatabixiyo.

Maamulka degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa sheegay in arrintaan ay tahay mid Al-shabaab ku go’doominayaan dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaannada gobolka Bakool.

Guddoomiyaha degmada Waajid ee gobolka Bakool C/llaahi Yariisoow ayaa sheegay in magaalada ay Godoon ku jirto islamarkaana aysan jirin wax soo geli kara, isaga oo intaa ku darray in 28 gaadiid ah oo raashin u siday dadka shacab ah dab qabadsiiyeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]