4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 1 , 2017
Maalinta shaqaalaha aduunka oo maanta laga xusayo caalamka

 

Isniin, May, 01, 2017 (HOL) - Maanta waxaa caalamka badankiis looga dabaaldagayaa maalinta Shaqaalaha iyadoo dalka Soomaaliya uu ka mid yahay 80 dal oo shaqaalaha howlahooda ay ka nasanayaan.

Mas’uuliyiinta ugu sareysa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo u diray dhamaanba shaqaalaha Soomaaliyeed , iyaga oo balanqaaday in dowladda si joogta ah u bixin doonto mishaarka shaqaalaha Soomaaliyeed.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in shaqaalaha Soomaaliyeed lafdhabar u yihiin hormarka dalka, isagoo shaqaalaha ku booriyay in ay sii labo jibaaraan adeegyada ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Taariikhda maalinta xoogsatada adduunka, waxay ka billaabaneysaa halgankii xoogsatada ee waddamada yurub iyo Mareykanka 1886, ka dib markii ay u adkeysan waayeen dulmiga ay ku hayeen warshadleyda naxriista darneyd,iyagoo xoogsatada ku shaqeysanayay saacado dheer, daryeel la’aan dhinaca nolosha iyio caafimaadka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa fasaxday maalinta awgeed dhamaanba shaqaalaha rayidka ah iyo kuwa dowladda oo u dabaaldagaya munaasabada 01May.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]