4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 1 , 2017
Dowladda Soomaaliya oo balanqaad u sameysay ciidamada amniga

 

Isniin, May, 01, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in ciidamada nabad-galyada heli doonaan sida uu hadalka u dhigay daryeel joogta ah iyo wixii kale oo xaquuq ah oo u baahan yihiin.

Hadalka ayuu ka sheegay ra’iisal wasaaraha kadib booqasho uu ugu tagay ciidamo ka tirsan hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka, kuwaa oo loo talagalay sugida amniga caasimada.

‘’Qofka wax uu bixiyo waxaa ugu qaalisan naftiisa, naftiina ayaad u hureysaan sidii magaaladan ay amaan u noqon laheyd, sidaa daraadeed dowladda waxaa ay idin balanqaadeysaa in aad joogto u heli doontaan daryeelka aad u baahan tihiin ‘’ ayuu yiri ra’iisal wasaaraha.

Waxaa uu intaa ku darray in taa badalkeeda looga baahan yahay ciidamada in ay waajib iska saaraan sugida amniga bulshada ku dhaqan caasimada, madaama ciidamada nabad-sugida Qaranka yihiin dhafbarka sida uu hadalka u dhigay sugida amniga.

 

‘’Maanta waqti bulshadu idiinka baahi badan tahay ma jirto, waa in aad xil iska saartaan in caasimadan noqonto meel amni ah oo dadku si nabad-galyo ah ugu naaloon karaan’’ ayuu yiri ra’iisal wasaaraha.

Waa markii ugu horeysay oo ra’iisal wasaare Kheyre uu si toos ah ula hadlo ciidamada loogu talagalay sugida amniga magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]