4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 9 , 2017
Aqoon-isweydaarsi ku saabsan arrimaha biyaha Muqdisho


Khamiis, Maarso 9, 2017 (HOL) — Aqoon-isweydaarsi looga hadlaayey arrimaha biyaha magaalada Muqdisho ayaa maanta ka furmay Hoteelka Giyaajo ee magaalada Muqdisho. Aqoon-isweydaarsigaas waxaa iska kaashaday Jaamacadda Banaadir iyo Xarunta biyaha iyo deegaanka Soomaaliyeed ee ka dhisan magaalada Stockholm, dalka Sweden. Aqoon-isweydaarsigaas oo socon doona muddo dhowr maalmood ah waxaa maalgelisay hey’adda Forum Syd ee dalka Sweden. Waxaana ka soo qeyb galay masuuliyiin iyo howl-wadeenno kala duwan oo rag iyo dumar leh oo ka socda hey’ado kala duwan, oo isugu jira kuwa dowladda, maamulka magaalada Muqdisho, ururada bulshada, jaamacadaha, shirkada ceelasha iyo weliba firxadlayaal badan oo aqoon iyo waayo aragnimo u leh arrimaha biyaha.

Aqoon-isweydaarsiga maanta furmay waa wejigii labaad, ayada oo wejigii koowaad ee aqoon-isweydaarsigaasi la qabtay bishii Sebtember sanadkii 2016. Furitaankii aqoon-isweydaarsiga waxaa ka hadlay madax kala duwan oo uu ka mid yahay wasiir-ku-xigeeenka wasaaradda qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah Prof C/laahi Sh. Cali, Xoghayaha guud Gobolka Banaadir Amiin Sh. Cilmi, guddoomiyaha gobolka Banaadir Prof Cabdirisaaq Axmed Dalmar, Madaxa xarunta biyaha iyo deegaanka Somaaliyeed, Dr Cabdullaahi Cilmi (Asad), iyo madaxa ururka OIC ee Muqdisho, Maxamed Iidle. Madaxda kale ee ka hadashay furitaanka waxaa ka mid ahaa Eng Cumar Shuuriye oo ka socday Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha, Marwo Caasha Siyaad, madaxa ururka haweenka ee ka qeybqaadashada hogaaminta, oo ka hadashay haweenka, carruurta iyo biyaha.

Madaxda ka hadashay furitaanka waxa ay sheegeen in aqoon-isweydaarsigaani uu leeyahay qiimo aad u weyn, isla markaana ay ka qeybgalayaashu kaga hadli doonaan wacyigelinta bulshada, tababarada ay u baahan yihiin howl-wadeennada biyaha Muqdisho, iyo cilmi-baarisyada loo baahan yahay in lagu sameeyo arrimaha biyaha magaalada Muqdisho. Waxaa kale oo aqoon-isweydaarsiga lagu baran doonaa maamulka biyaha magaalooyinka iyo baraarujinta caafimaadka biyaha.

Aqoon-yahannadii ka qeybqaadatay furitaanka maanta ayaa qaar ka mid ah soo jeediyey casharo ku saabsan maamulka iyo horumarinta biyaha magaalada Muqdisho, doorka caafimaadka biyaha, kheyraadka biyaha Soomaaliya. Waxaana ugu dambeyntii lagu soo xiray dood-wadaag ay ka qeybgaleen aqoonyahanno kala duwan, madaxda ururada bulshada, injineero, macalimiin jaamacadeed iyo dhaqaatiir. Gabagabadii waxaa kulanka maanta soo gunaanadday isku duwaha aqoon-isweydaarsiga Asli Ismaaciil Ducaale, oo ah xoghayaha guud ee ururka Somali Water Partnership.