4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 9 , 2017
Koox hubeysan oo caawa dilay sarkaal ka tirsan ciidanka Canshuurta qaada ee Minashiibiyada

 

Khamiis, Maarso, 09, 2017 (HOL) –  Sarkaal ka tirsanaa ciidanka Canshuurta qaada ee loo yaqaano minashiibiyada, ayaa caawa lagu dilay degmadda, Dharkenleey, kadib markii gaarigiisa lagu hor gooyay gaari kale, kadibna rasaas lagu furay.

Marxuumka geeryooday waxaa lagu magacaabi jiray, Bashiir.

Ciidanka dowladda ayaa caawa howlgallo ballaaran ka wada degmadda.

Ma jirto cid sheegtay masuuliyada weerarka.

Maalmihii ugu danbeeyay magaalada Muqdisho waxaa siyaabo kala duwan loogu dilay mas’uuliyiin ka tirsanaa dowladda, dad rayid iyo waxgarad bulshada dhaxdeeda magac ku lahaa.

Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa xalay xaafada Sanca degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ku dilay Xasan Macalin Taakow (Macalin Shabeelow) oo ahaa guddoomiyihii laanta Sahan waaxda Heegan ee degmada Yaaqshiid.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ku raadjoogaan raggii ka dambeeyay dilkan, isagoo sidoo kale dilkan ku eedeeyay Al-shabaab.

Dhinaca kale xalay bartamaha deegaanka Ceelasha-Biyaha waxaa lagu toogtay mid ka mid ha ergadii xildhibaanada baarlamaanka ku soo dooratay deegaannada Galmudug, kaasi oo lagu magacaabi jiray C/laahi Kabaweyne. 

Hassan Istiila
[email protected]