4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 9 , 2017
Dad meelo kala duwan ugu dhintay xanuuno gobolka Sool

 

Khamiis, Maarso, 09, 2017 (HOL) - Ku  dhowaad toban ruux ayaa degaano kala duwan oo ka mid ah gobolka Sool  ugu dhintay xanuuno la sheegay in ay sababeen abaaraha baahsan ee ka  jira wadanka.

Dadka dhintay oo ah caruur ayaa waxa ay dhamaantood ka mid yihiin dadka ku nool goobaha ay ku noolyihiin dadka duuntadii ay haysteen ka dhamaadeen.

Sadex qof ayaa la Xaqiijiyey in ay ku dhinteen magaalada Xalin oo ka mid ah degmada Taleex, waxaana la sheegay in uu sababay shuban ku dhacay iyadoo ay qaarkalena qarka u saaran yihiin in ay dhintaan.

"Xanuunada hada haya dadka waxaa ugu daran Shuban, Oofwareen iyo Jadeeco, waxana aan jirin wax daawo ah oo soo gaadha oo lagu badbaadinayo marka laga reebo Bisha Cas, waxaase jira caruurta oo aan qaadan karin kiniinada in ay adkaato sidii loo daryeeli lahaa" sidaana waxaa HOL u sheegay Dr. Ckariin Axmed Goobe oo ku sugan degmada Taleex.

Degaanada Ceel-Midgaan iyo Caga-Laaye oo ka mid ah degaanka Yagoori ee Waqooyiga gobolka Sool ayaa afar ruux waxa ay u dhinteen xanuunka Jadeecada sida uu Hiiraan u sheegay Eng. Maxamed Cabdi Jaamac Isuduwaha Hay'adda NERAD, waxaanuna intaas ku daray in xanuuno aad u badan ay ka jiraan degaanada barakacayaashu degan yihiin oo Shuban, Jadeeco Nafaqo daro iyo qaar kaloo badan.

Sidoo kale  waxaa degaano ka mid ah bariga degmada Laascaanood la sheegay in ay ku dhinteen laba ruux oo caruur ah kuwaas oo ku kala dintay Tukaraq iyo Dhagxanyo-cado kuwaas oo sida uu noo sheegay Xidig Cali Xasan shuban uu sababay.

Gudiyada abaaraha ee Degmooynka Taleex, Xudun iyo Laascaanood ayaa waxa ay sheegeen in si gooni gooni ah in ay maalinba maalinta ka danbaysa ay sii kordhayaan dhibaatooyinka soo foodsaaraya dadka barakacayaasha ah, waxaana ay xuseen in biyuhu ay yihiin kuwa ugu daran ee dadkan ugu daran yihiin baahidooda.

Si kataba ha ahaatee waxaa siweyn isha loogu hayaa dhibaatada adag ee soo wajahdey dadka barakacayaasha ah, iyadoo ay jiraan xanuuno baahsan oo guud ahaan gobolka soo wajahay, waxaanay ku soo beegmaysaa xili ay wasiiro iyo xildhibaano ka socda Somaliland ay ku sugan yihiin magaalada Laascaanood, balse aanay weli ka muuqan wax taakulo ah oo ay ka dhawaajiyeen.

Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G. Sool