4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 9 , 2017
Dowladda Ethiopia oo Jamaaludiin Mustafa u magacaawday safiirka Ethiopia ee Somalia

Khamiis, Maarso, 09, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Ethiopia, Mulatu Teshome, ayaa Jamaaludiin Mustafa Cumar, usoo magacaabay safiirkooda u joogi doono dalka Soomaaliya.

Jamaaludiin, waxaa uu bedeli doonaao Wondimu Asamne, oo ahaa safiirkii Ethiopia ee Soomaaliya, kaas oo waqtigiisa uu dhamaaday.

Amb. Jamaaludiin Mustafa ayaa horay u ahaa, safiir ku-xigeen, waana siyaasi wax badan kasoo shaqeeyay gudaha Soomaaliya, waxaana dhalasha ahaan uu  ka soo jeeda Deegaanka Is Maamulka Soomaalida Itoobiya.

Xiriirka Ethiopia iyo Soomaaliya, ayaa hadda ku socda si caadi ah.

Hassan Istiila
[email protected]