4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 9 , 2017
Ciidamo gadoodsan oo la wareegay xarunta dowladda hoose ee magaaladda Gaalkacyo

 

Khamiis, Maarso, 09, 2017 (HOL) -   Ciidamo gadoodsan oo ka tirsan maamulka Puntland, ayaa la wareegay xarunta dolwadda Hoose oo ku taalla woqooyiga magaaladda Gaalkacyo.

Shaqaalihii ku sugnaa xaruunta, ayaa la kala eryay, waxaana ay ciidamadda ay joojiyeen dhaq-dhaqaaqa xaruunta.

Sidan oo kale, waxaa shalay sameeyay ciidamadda Daraawiishta Puntland oo la wareegay kontoroolka koonfureed ee magaaladda Garowe, kuwaas oo sheegay in mudo 28 bilood ah aysan mushaar qaadan.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Daraawiishta Puntland Dayr Xaaji Cabdi ayaa soo saaray Warqad uu ku muujinayo Mushaharka ka maqan ciidanka Daraawiishta Puntland intii ay shaqaynaysay Xukuumadda uu hogaanka u hayo Dr. Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas.

Waxaa Warqada lagu cadeeyay in 39-kii bilood ay jirtay Xukuumadani Ay ka Maqantay 28 bilood oo mushaar ah 30 bilood oo Adeega iyo Weliba Guud Ahaan Lacagtii Daryeelka Caafimaadka, gaar ahaan Ciidamadda ku sugan Taliska Guud Ee Gobolka Nugaal ,aagga Sool iyo aagga Cayn iyo Weliba bilo ka Maqan Qaybta Mudug .

Gadoodka ay sameynayaan ciidamadda maamulka Puntland ayaa ku so beegmaysa ,iyadoo dhawaan wasiirka Maaliyad-da Puntland uu sheegay in aysan jirin wax mushaaraad ah oo lagu leeyahay dowlada ,isla markaana ay si joogta ah ciidanka u siin jireen mushaarkooda. 


 Hassan Istiila
[email protected]