4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 9 , 2017
Ciidamada AMISOM oo dad rayid ah ku dilay Gobolka Sh/Dhexe

Khamiis, Maarso, 09, 2017 (HOL) -  Ciidamadda Midowga Africa ee AMISOM, ayaa lagu eedeeyay in ay dad rayid ay ku dileen deegaan aad ugu dhow degmadda Mahaday ee gobolka Sh/dhexe, sida dadka deegaanka ay u sheegeen Hiiraan Online.

Dhibaatada AMISOM lagu eedeeyay in ay geysteen, ayaa waxaa ay ka dhacday deegaanka Maguurto oo 10km dhinaca Bari kaga beegan degmadda Mahaday ee gobolka Sh/dhexe.

“ Ciidamadda AMISOM, waxaa ay dileen laba ruux, dad kalena waa ay dhaawaceen, deegaankana dad ayeey kasoo kaxeysteen” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Dadka dhibaatada la gaarsiiyay, ayaa la sheegayaa in ay ahaayeen dad xoola-dhaqata ah.

Howlgalka AMISOM, ayaa dhowr-jeer sidaan oo kale dilal iyo dhabaato ugu geystay deegaanadooda dad rayid ah.

Hassan Istiila
[email protected]