4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 9 , 2017
Guddoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha oo la doortay


Khamiis, Maarso, 09, 2017 (HOL) -Doorasho maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa mar kale  hoggaanka rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed loogu doortay  Maxamuud C/kariin Gabeyre oo xilkan hayay 4-tii sano ee u dambeysay.

Doorashadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay ergo matalayay rugaha ganacsiga ee maamul goboleedyada iyo gobolada Waqooyi.

Waxaa sidoo kale ka qeybgalay doorashada xubno ka socday bulshada rayidka oo goob joog u ahaa habka ay doorashada u dhacday, waxaana qeyb ka ahaa xubnaha bulshada rayidka ah hay'adda culimada Soomaaliyeed.

Maxamuud C/kariin Gabeyre ayaa markii dambe ku guuleystay doorashada, isagoo helay 54 cod, halka labada Musharax ee ku soo xigay ee kala ahaa Sheekh Bashiir Max'uud iyo Ibraahim Abukar Shaamow ay kala heleen 8 cod iyo 6 cod.

Ugu danbeyntii, rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii dambe  lagu dhaliilayay doorasho la’aan iyo in hoggaanka xilka iska sii hayeen  labo nin oo ahaa kuwo isku koobay howsha rugta ganacsiga, waxaana dad  badan u arkayeen in shaqada rugta dhan ay tahay mid labo nin kaliya  majaraha u haya, sida guddoomiyaha iyo agaasimaha. 

Craxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]