Khamiis, Maarso, 09, 2017 (HOL) Dowladda Itoobiya ayaa is bedel ku sameysay
Safiirkeedii Soomaaliya joogay oo lagu magacaabo Wondimu Asamne, kaddib
markii uu waqtigiisu dhamaaday.
Safiirka cusub ee Soomaaliya loo soo magacaabay ayaa lagu magacaabaa Jamaaludiin
Mustafa Cumar oo horay u ahaa Safiir kuxigeenka Soomaaliya.
Wakaalada wararka Itoobiya ee ENA ayaa shaacisay in warqad ka soo baxday
Xafiiska Madaxweynaha Itoobiya Mulatu Teshome lagu magacaabay Mr Jamaaludiin
Mustafa Cumar.
Danjiraha oo ka soo jeeda dhulka dowlad deegaanka Soomaalidaa Itoobiya ayaa
loo arkaa mid ay dowladda Itoobiya ku xoojineyso xiriirkeeda dhow ee
Soomaaliya.
Sidoo kale Jamaaludiinka Mustafa ayaa waxaa uu yahay Wakiilka gaarka ah ee
dowladda Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya.
Jamaaludiin ayaa noqonaya danjirihii labaad oo asalkiisu yahay Soomaali oo
Itoobiya u soo magacawdo dowladda Soomaaliya, waxaa horay labo jeer Safiir u
soo magacawday C/casiis Axmed Aadan oo ka soo jeeda deegaanka Soomaalida
Itoobiya.
Ugu danbeyntii, safaaradda Itoobiya ayaa ku taal xarunta Madaxtooyada, waxaa xusid mudan in dowladda Itoobiya saameyn siyaasadeed iyo mid militari intaba ku leedahay Soomaaliya.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]