4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 9 , 2017
Ciidamada Daraawiishta Puntland oo Sheegay in aysan wax mushaar ah qaadan muddo 28 Bilood ah

Khamiis, Maarso, 09, 2017 (HOL) -Taliye ku xigeenka Ciidanka Daraawiishta Puntland Dayr Xaaji Cabdi ayaa soo saaray Warqad uu ku muujinayo Mushaharka ka maqan ciidanka Daraawiishta Puntland intii ay shaqaynaysay Xukuumadda uu hogaanka u hayo Dr. Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas.

Waxaa Warqada lagu cadeeyay in 39-kii bilood ay jirtay Xukuumadani Ay ka Maqantay 28 bilood oo mushaar ah 30 bilood oo Adeega iyo Weliba Guud Ahaan Lacagtii Daryeelka Caafimaadka, gaar ahaan Ciidamadda ku sugan Taliska Guud Ee Gobolka Nugaal ,aagga Sool iyo aagga Cayn iyo Weliba bilo ka Maqan Qaybta Mudug .

Saraakiisha goobta ka hadlay waxaa kamid ahaa.

1-General Deyr Xaaji Cabdi, Taliye ku xigeenka Ciidanka Daraawiishta Puntland
2. G/Sare Maxamed Ducaale Ayax Taliyaha ururka Taliska Guud ee Daraawiishta Puntland
3- Maxamuud Axmed Gubadle Afhayeenka Ciidanka Daraawiishta Puntland.

Ugu danbayn , ariintan ayaa ku so beegmaysa ,iyadoo dhawaan wasiirka Maaliyad-da Puntland uu sheegay in aysan jirin wax mushaaraad ah oo lagu leeyahay dowlada ,isla markaana ay si joogta ah ciidanka u siin jireen mushaarkooda.

Faysal M. Hassan
[email protected]