Khamiis,
Maarso, 09, 2017 (HOL) - Maalmihii ugu
danbeeyay magaalada Muqdisho waxaa siyaabo kala duwan loogu dilay mas’uuliyiin
ka tirsanaa dowladda, dad rayid iyo waxgarad
bulshada dhaxdeeda magac ku lahaa.
Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa xalay xaafada Sanca degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ku dilay Xasan Macalin Taakow (Macalin Shabeelow) oo ahaa guddoomiyihii laanta Sahan waaxda Heegan ee degmada Yaaqshiid.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ku raadjoogaan raggii ka dambeeyay dilkan, isagoo sidoo kale dilkan ku eedeeyay Al-shabaab.
Dhinaca kale xalay bartamaha deegaanka Ceelasha-Biyaha waxaa lagu toogtay mid ka mid ha ergadii xildhibaanada baarlamaanka ku soo dooratay deegaannada Galmudug, kaasi oo lagu magacaabi jiray C/laahi Kabaweyne.
Ugu danbeyntii, dilalkan oo todobaadyadii ugu danbeeyay siweyn ugu badnaa caasimada ayaan la ogeyn kooxaha geysanaya marka laga soo tago eedeynta mas’uuliyiinta dowladda oo dhamaan falalkan dhacaya ku sheegaya in ay ka danbeeyaan Al-shabaab.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]