4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 9 , 2017
Waa sidee xaaladda caafimaad ee Xildhibaan Cabdulqaadir oo shalay Qarax ku dhaawacmay?

Khamiis, Maarso, 09, 2017 (HOL) -  Xaaladda Caafimaad ee Xildhibaan Cabdulqaadir Cali Faarax, oo shalay ku dhaawacmay Qarax loogu xiray gaarigiisa, ayaa aad usoo-hagaageysa, sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif.

Guddoomiyaha, ayaa sheegay in xildhibaanka dhaawac culus uu soo gaaray, balse hadda xaaladiisa ay aad u-wanaagsantahay.

Dhinaca kale, Xasan Maxamed Khaliif, waxaa uu warbaahinta usheegay in aysan jirin cid kale oo ay waxyeelo ka soo gaartay Qaraxaasi.

Qaraxa waxaa uu ka dhacay agagaarka xero daraawiisheed ee magaaladda Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Ciidamadda ayaa Magaalada Gaalkacyo ka wada Howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo.

Hassan Istiila
[email protected]