4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 9 , 2017
Maxey xalay sameysay kooxda kubada cagta ee Barcelona ?

 

Khamiis, Maarso, 09, 2017 (HOL) -  Kooxda Barcelona, ayaa xalay sameysay, wax aan kubada cagta horay loogu arag, kadib markii ay xasuuq ba’an u geysatay kooxda Paris Saint Germain, kulan ka tirsanaa koobka Champions League.

Barcelona ayaa dunida kusoo kordhisay taariikhdii ugu weyneed kubadda cagta,  kadib markii ay 6-1 kaga adkaatay kooxda Paris Saint Germain, taasoo Barca ka dhigeysa in ay noqotay kooxdii ugu horeysay ee kasoo laabata guuldaro 4-0 ah oo lagu qaarijiyo lugta hore.

Barcelona, ayaa sidan oo kale ka sameysay kulan ka tirsanaa koobka European Cup. Ma jirto koox ciyaartay Champions League oo lugtii hore looga adkaaday 4-0 oo dib usoo noolaatay lugtii labaad sida Barcelona.

Kooxda Barcelona, waxaa ay goolasha ka kala heshy laacibiinta kala ah, Luis Suarez, Layvin Kurzawa, Lionel Messi, Neymar, Neymar, Sergi Roberto, halka goolka qura ee kooxda Paris Saint Germain, uu u dhaliyay xiddigooda Edinson Cavani.

Cidna ma dhihi karto Barcelona ma ahan koox weyn, ileen waxaa la Daawaday mucjisadii xalay ay ka dhigeen garoonkooda Camp Nou.

Hogaamiyaha kooxda Barcelona Lionel Messi, ayaa 11 gool ka dhaliyay Champions League xili ciyaaredkaan. 

Aragtidaada Kasoo dhiibo Facebook-gga sida aad u aragto:

Hassan Istiila

[email protected]