4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 9 , 2017
Xuska Maalinta Haweenka oo Minnesota lagu xusay


Khamiis, Maarso 09, 2017 (HOL)  -Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobalka Minnesota ayaa xalay magaalada Minneapolis ku qabtay xaflad lagu xusayo maalinta haweenka ee Adduunka, xafladdaan oo ay  soo abaabushay ururka haweenka ee ISUROON oo ah hay’ad ka  shaqaysa arimaha haweenka , ayaa waxaa kala soo qaybgalay haweenka  soomaaliyeed qaar ka mid ah bulshooyinka kala duwan ee gobalkan deggan.

Faruun  Weli oo ah madaxa  uruka ISUROON oo la hadleysay dadkii goobta isugu yimid ayaa xustay in maalinta haweenku ay tahay  maalin dhiirigalineed oo sare u qaadeysa hamiga haweenka aduunka.  Fartuun ayaa carabka ku dhufatay in ay muhiim tahay in bulshadu ay iska  kaashadaan ka hortagga tacdiyada ka dhanka haweenka, sidoo kalena loo baahan yahay in haweeka loo sameeyo banaamijyo kor  loogu soo qaadayo aqoontooda, laguna kobcinayo dhaqaalahooda.


Fanaanadka  caanka ah ee Soomaaliyeed Hiba Maxamed Hiba-nuura, oo ka mid aheyd haweenka madasha isugu yimid ayaa  khudbaddeeda ku soo koobtay suugaan ay uga warameysay waxtarka  haweenka  Soomaaliyeed iyo doorka ay bulshada kaga jiraan haweenka aduunka.

Marti sharaftii lagu cusuumay xuska maalinta Haweenka aduunka ayaa aad uga hadlay kaalinta ay kaga jiraan haweenku bulshadda waxaa ka mid ahaa dadkii goobta ka hadlay Minnesota Senator Jim Abeler isagoo u mahadceliyey hay’ada ISUROON, waxaa iyaduna ka hadashay xuskaan maalinta haweenka madaxa hay’adda Youthprise Wokie Weah oo aad uga hadashay kaalinta ay horemarinta bulshada kaga jiraan Haweenka.

Hay’adda Isuroon ayaa  waxay habeenimadii xalay Abaalmarino ay gudoonsiisay shaqsiyaad door muhiima ku lahaa  waxqabadka hay’adda iyo waliba Hibo Maxamed Gudoon oo lagu xusay doorka ay ku laheed dhiirigalinta haweenka Soomaaliyeed

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

[email protected]

Minneapolis,MN