4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 9 , 2017
Ciidamada Daraawiishta Puntland oo Mushaar la’aan ka Gadoosan ayaa la wareegay koontoroolka Koonfureed ee Garowe.

Khamiis, Maarso, 09, 2017 (HOL) - Ciidamadda Daraawiishta maamulka Puntland, ayaa xalay la wareegay Kontoroolka dhanka Koonfureed ee Magaaladda Garowe.

Askarta waxaa ay Gadood ka yihiin eedo ay ka tabanayaan dhinaca mushaarka, waxaana ay sheegeen in Saddexdii sano ee la soo dhaafay min Afar bilood, oo keliya in ay ka heleen mushaarkooda xaqa ay u leeyihiin.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Daraawiishta Maamulka Puntland Col. Deyr Xaaji Cabdi ayaa ku micneeyay sababta Ciidankaasi ay ula wareegeen Kontoroolka, in ay tahay in Wasaaradda Maamulka Puntland ay ka been sheegtay Mushaarka Ciidanka oo muddo bilooyin ah aan ciidanka la siinin.

Eedaha loo jeedinayo Wasaaradda Maamulka Puntland, ayaana jirin wax jawaab ah oo ay ka bixiyaan, balse waxaa la saadaalinayaa in ay ka hadli doonaan.

Ciidamadda Puntland oo mushaar ka cabanaya, ayaa dhawaan sheegay in ay la wareegeen xaruunta Baarlamaanka maamulka.

Hassan Istiila

[email protected]