4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 8 , 2017
Deg-Deg: Dableey hubeysan oo dilay mid ka mid ah Ergadii dooratay Xildhibaanadii ka yimid Galmudug

 

Arbaco, Maarso, 08, 2017 (HOL) – koox Bastoolado ku hubeysan ayaa caawa deegaanka Ceelasha biyaha oo 16KM u jira magaaladda Mogadishu ku dilay, Cabdullahi Kabaweyne, oo ka mid ahaa Ergadii wax ka dooratay xildhibaanadii laga soo doortay deegaannada Maamulka Galmudug.

Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana ciidamadda dowladda caawa ay wadaan howglallo.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada dilka. 

Magaaladda Muqdishu, maalmihii dambe waxaa kusoo badanayay dilalka gaadmada ah ee loo geysanayo masuuliyiinta dowladda iyo shaqsiyaadka la shaqeeya ciiidamadda dowladda.

Hassan Istiila
[email protected]