4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 8 , 2017
Golaha Musdambeedka Abwaanadda Somaliland oo ka hadlay khilaafkii doorashooyinka ee ay ka odayeeyeen

 Arbaco, Maarso ,08, 2017 (HOL)- -Golaha musdambeedka Abwaanadda Somaliland oo maalmiyihii u dambeeyey ka odayeynayey khilaafyaddii ka dhashay wakhtiga doorashooyinka iyo muddo kordhintaba ayaa sheegay in madaxdii ay la kulmeen dhagaysteen taladoodii,isla markaana qaateen oo ay ku dhaqmeen baaqyaddii ay usoo jeediyeen.

Ururkan Musdambeedka Abwaanadda Somaliland ayaa sheegay in mudaddii ay isku xil qaameen in si wanaagsan oo nabad ah ku dhamaato khilaafyadda ka jira arrimaha doorashooyinka ay iskaga dabqaadeen guddida doorashooyinka, saddexda xisbi qaran, madaxweynaha iyo shirgudoonka guurtiddaba, kuwaas oo ay xuseen inay si fiican ula qaateen talooyinkiii ay usoo jeediyeen.

“Somaliland xaalado adag oo soo foodsaartay waxay ku dabiibtay ilaahay baa mahad leh oo ay kaga bogsatay daawadda ah talllo odayaal , wadatashi, iyo isku tanaasul, arrinta doorashada Somaliland iyo khilaafkii ka yimid xiligii la qaban lahaa oo ku soo beegmay xilli abaaro ay ka jiraan wadanka, kama duwana dhibaatooyinka bulshadda la soo darista, anagoo halkaasi ka duulayna waxaanu ku dhawaaqnay 10.1,2017 kulan saxaafadeed anagoo kaga hadlayna arrintaasi kuna baaqnay in la iskugu ymaado gole la iskaga yimaado oo lagaga tashaddo arrintaasi si aanu uga midho dhalino arrinkaasi,, waxaanu la kulanay guddida doorashooyinka, saddexda musharax ee saddexda xisbina waxaanu iskugu keenay xarunta dhaqanka ee Hargeysa,halkaasi oo la isku raacay in is afgarad iyo wada hadal lagu dhameeyo goorta doorashadda la qaban doono iyo in laga waantoobo hadaladda xanafta leh ee la isku marinayo warbaahinta”ayuu yidhi afhayeenka Golaha Musdambeedka Abwaanadda Maxamed Cali Weji.

Sidoo kale, waxay golaha Abwaanaddu sheegeen inay la kulmeen madaxweynaha, shirgudoonka Guurtidda iyo masuuliyiin kale, oo dhamaantood u gudbiyeen talooyinkii lagu xalinayey khilaafyada arrimaha doorashooyinka ee ay sababtay abaaraha ka jira wadanka.

“waxaana u mahad naqaynaa dhamaan madaxdaasi aanu la kulanay qalbi wanaaga nagu soo dhoweyeen, ixitraamka iyo dhagaysiga nagu qaabileen, talooyinka aanu sidanayna nala wadaageen,waxaan ilaahay ugu mahadnaqayna is dirkii aanu is dirnay in natiijo wanaagsan lagu gaadhay.”ayey war-muriyeedkooda ku yidhaahdeen.

Waxa kale oo baaq ka soo saareen in abaaraha jira loo gurmaddo iyo in sicir bararka jira dadka ay khuseeyaan wax ka qabtaan,isla markaaana wakhtiga doorashadda loo qabtay laga hawlgalo in lagu qabto doorasho wanaagsan oo dhibaato horseedin.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.