4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 8 , 2017
Koox hubeysan oo caawa Guddoomiye ku dilay Magaaladda Muqdishu

 

Arbaco, Maarso, 08, 2017 (HOL) – koox hubeysan ayaa caawa degmadda Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ku dilay, Marxuum Xasan Maxamed Takow (Macalin Shabeeley) oo ahaa Guddoomiyaha Laanta Sahan, waaxda Heegan ee Degmada Yaaqshiid.

Dilka Guddoomiyaha, ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay laanta Sahan ee degmadda, xili uu kasoo baxay salaadii Maqrib ee caawa.

Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana ciidamadda dowladda caawa ay wadaan howglallo.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyida weerarka lagu dilay, Marxuum Xasan Maxamed Takow (Macalin Shabeeley) oo ahaa Guddoomiyaha Laanta Sahan, waaxda Heegan ee Degmada Yaaqshiid.

Magaaladda Muqdishu, maalmihii dambe waxaa kusoo badanayay dilalka gaadmada ah ee loo geysanayo masuuliyiinta dowladda iyo shaqsiyaadka la shaqeeya ciiidamadda.

Hassan Istiila
[email protected]