4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 8 , 2017
Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo ka gudoomay safiirka Jarmalka ee dalalka Somalia iyo Kenya

 

Arbaco, Maarso, 08, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa manta warqadaha Aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay safiirka dowladda Jermalka u qaabilsan Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Safiirka Jermalka u qaabilsan dalalka Soomaaliya iyo Kenya Ambassador Jutta Frasch, ayaa ka wada hadlay sidii dib loogu soo nooleyn lahaa xiriirkii Taariikhiga ahaa ee labada dal.

Sidoo kale, kulankooda ayaa waxaa diirada lagu saaray, arrimaha abaaraha Soomaaliya iyo sida dowladda Jarmalka ay uga qeyb-qaadan laheyd.

Ambassador Jutta Frasch, ayaa sheegtay in ay dib u soo nooleyn doonto dowladda Jermalka mashaariicdii ay horey uga fulin jirtay Soomaaliya, sida dib u dhiska adeegga waxbarashada, gaar ahaan dugsiyadii farsamada gacanta, tababarrada xirfadaha dhallinyarada iyo ka qeyb-qaadashada kor u qaadidda Tayada ciidammada amniga Soomaaliya.

Somalia iyo Jarmalka, waxaa ka dhexeeya xiriir taariikhi ah oo soo jireen ah, kasoo soo bilowday mudo fog.

Dowladda Jarmalka, waxaa ay ka mid tahay dalalka, dhawaan safaaradahooda ka furtay dalka Soomaaliya.

Hassan Istiila
[email protected]