4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 8 , 2017
Haweenka gobolka Hiiraan oo xusay 8 Maarso [Sawirro]


Arbaco, 08, 2017 (HOL) - Xili inta badan caasimada Muqdisho iyo gobollada dalka Soomaaliya looga dabaaldagayo maalinta haween weynaha aduunka ayaa magaalada Beledweyn waxaa lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayo 8 Maarso.

Munaasabada oo aheyd mid si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeybgallay mas’uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo, saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM, ururada haweenka iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Hiiraan Farxaan Cumar Carte oo hadal kooban jeedisay ayaa sheegtay haweenka guud ahaa marka la eego meel muhiim ah uga jiraan mushtamaca, gaar ahaan waxaa ay ku dheeraatay doorka haweenka Soomaaliyeed oo ay ku sheegtay in uu yahay mid muuqda oo aan leyska idha –tiri Karin.

‘’Inkastoo ay tahay maalin weyn oo farxadeed hadana dhinaca kale waxa jira dhibatooyin kala duwan oo ay xiligan wajahayaan haweenka ku dhaqan gobolka qaarkood uu baahan in ay sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabto’’ ayeey tiri guddoomiyaha haweenka gobolka Hiiraan Farxaan Cumar Carte.

Taliyaha ciidamada Jabuuti ee gobolka Hiiraan Col Xassan Jaamac ayaa ku bogaadiyay haweenka gobolka Hiiraan xuska maalinta 8 Maarso, isaga oo sheegay in mar walba ka ciidan ahaan bar bartaagan yihiin haweenka.

Guud ahaan mas’uuliyiintii kala duwaneyd ee ka hadashay munaasabada ayaa bogaadiyay xuska 8 Maarso oo caalamka guud ahaan looga dabaaldagayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]