4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 8 , 2017
Al-shabaab oo ka hadashay weerar ciidamada Kenya lala eegtay

Arbaco, 08, 2017 (HOL) - Xarrakada Al-shabaab ayaa sheegta in ay dileen afar askari oo ka tirsanaa ciidamada Kenya kadib weerar ku qaadeen kolanyo gadiid ah oo la socdeen ciiidamada Kenya jasiirada Lamu.

Wararku waxaa ay sheegayaa in qaraxyada oo loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay lala eegtay kolonyo ay la socdeen ciidamada Kenya, waxaana dad goob joogayaal ay sheegayaan in qaraxyada ay waxyeelo ka soo gaartay gaadiidka ay wateen.

Sarkaaiil ka tirsan Kenya ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in hal askari uga dhimatay, halka shan kale ay ka dhaawacmeen qaraxyada oo ahaa labo

Ma ahan markii u horeysay ee ciidamada Kenya qaraxyo lagula eegto deegaanka Lamu, wixii ka dambeeyay markii ciidamada Kenya gudaha u soo galeen Soomaaliya sanadkii 2011, waxaa sii kordhayay weerarada qaraxyada ee lala eegnayay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]