4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 8 , 2017
Deg-Deg: Guddoomiyaha degmadda Luuq oo Qarax ka badbaaday

Arbaco, Maarso, 08, 2017 (HOL) –  Guddoomiyaha degmadda Luuq ee Gobolka Gedo, Maxamed Xuseen Ganey, ayaa lasoo sheegaya in uu dhaawacmay, kadib markii qarax loogu xiray gaarigiisa.

Qaraxa, waxaa uu ka dhacay degmadda Luuq, waxaana laga maqlay xajmigiisa xaafadaha ay degmadda ka koobantahay.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada Qaraxa.

Ciidamadda dowladda, ayaa howlgallo ka wada hadda degmadda.

Wixii kusoo kordha halkaan kala soco. 

Hassan Istiila
[email protected]