4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 8 , 2017
Haweenka ku jira ciidamada AMISOM oo u dabaal dagay 8 Maarso


Arbaco, Maarso 08, 2017 (HOL) - (HOL) – Iyadoo guud ahaa marka la eego caalamka manta laga xusayo 8 Maarso oo ah maalinta haween weynaha aduunka, ayaa sidoo kale Soomaaliya waxaa ka dhacay qeybo kala duwan dabaaldaga maalintan.

Haweenka ku jira ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM ka howlgalla Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay xarunta Xalane ka saameeyeen dabaaldag lagu soo dhaweynayo 8 Maarso.

Mas’uuliyiin ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa haweenka kala qeyb qaatay dabaaldega.

Lydia Wanyoto oo ah ku xigeenka madaxa midowga Africa ee Soomaaliya ayaa Sheegtay inay taageereyso in Sare loo qaado Haweenka ku jira ciidamada AMISOM.

Ugu danbeyntii, qaar ka mid ah haweenka ku jira Ciidanka AMISOM ayaa sheegay in ay ku Faraxsan yihiin 8-da Maarso in ay u dabaal degaan iyagoo joogga Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]