4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 8 , 2017
Ciidanka Milateriga dowladda oo isaga baxay deegaanka Ceel-baraf

 

Arbaco, Maarso, 08, 2017 (HOL) –   Ciidamadda Milatariga dowladda ee ku sugnaa deegaanka Ceel-baraf ee ka tirsan degmadda Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha dhexe, ayaa lasoo sheegayaa in deegaankaas ay isaga baxeen, iyadoo aan la ogeyn sababta.

Dadka deegaanka, ayaa sheegaya in ciidamada ay ka baxeen saldhigyadooda deegaanka.

Ma jiro war kasoo baxay saraakiisha ciidamadda dowladda Soomaaliya ee ku aadan ka bixitaankooda deegaanka Ceel-baraf.

Wasiirka amniga gudaha C/risaaq Cumar Max’ed, ayaa sheegay in ciidamadda ay isku diyaarinayaan in ay Al shabaab kala wareegaan meelaha ay ka joogaan dalka, sidoo kale waxaa uu carabka uu ku adkeeyay in aan loo dulqaadan doonin haddii ciidanka dowladda ay dadka rayidka ah wax yeeleeyaan.

‘’Askarigii lagu helo in si bareer ah uu toogasho ugu geystay qof rayid ah ama xitaa si aan ula kac aheyn u dila sharciga ayaa la hor geyn doonaa ciqaabta danbiga uu galay uu ku muteystana waa lagu qaadayaa’’ ayuu yiri wasiirka.

Hassan Istiila

[email protected]