4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 8 , 2017
Madaxweyne Farmaajo “Donald Trump waxaan ka dalbaday in uu dib uga noqdo Xayiraadda Muwaadiniinta Soomaaliyeed”

Arbaco, Maarso, 08, 2017 (HOL) –   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, oo dhigiisa dalka Mareykanka la hadlay, ayaa ka dalbaday in xayiraadda laga qaado muwaadiniinta Soomaalidda ee dalka Mareykanka galaya.

Somaaliya waxaa ay ka mid aheyd, wadamo Donald Trump uu diiday in dalka Mareykanka ay soo galaan mudo.

Mudane Farmaajo, ayaa dhinaca kale sheegay in Bulshada Soomaaliyeed ay arrimo kala duwan ugu safri jireen dalkaasi, ayna ganacsi ballaaran ku leeyihiin dad Soomaaliyeed Gudaha Dalka Maraykanka.

Dowladda Soomaaliya, ayaa looga fadhiyaa in Mareykanka ay kala hadasho, in Soomaalidda loo ogolaado in ay dalkasi galaan ayna la mid noqdaan mushtamaca kale ee dunidda.

Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu saxiixay amar cusub oo lagu mamnuucay Muslimiinta lix dal.

Xayiraaadda oo la mid ah middii hore waxay dhigeysaa in Muslimiinta dalalka Soomaaliya, Yaman, Suuriya, Sudaan, Liibiya, iyo Iiraan aysan gali karin dalka Mareykanka.

Wuxuu diiwaankii hore ka reebay dalka Ciraaq.

Xoghayaha arrimaha gudaha ee Mareykanka ayaa sheegay in amarka cusub ee Madaxweynaha loo dhaqangelin doono si deggan. 

Hassan Istiila 
[email protected]