4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 8 , 2017
Weerar culus oo lagu qaaday isbitaalka militariga Kabul ee dalka Afgaanistaan

Arbaco, 08, 2017 (HOL) -  Dadka weerarka gaystay ayaa galay isbitaalka ugu wayn ee milatarigu ay ku leeyihiin magaalada Kabul, waxaana wali socda weerar rasaas loo adeegsanayo, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee dalka Aghanistaan.

Afhayeen u hadlay wasaaradda ayaa sheegay "in la weeraray isbitaalka Sardar Daud Khan".

Isbitaalkan oo leh 400 oo sariirood wuxuu u dhaw yahay safaaradda Maraykanka.

Qof ka tirsan shaqaalaha Isbitaalka ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in uu arkay nin hubaysan oo qaba dharka dakhaatiirta oo la soo baxay qori isaga oo rasaas furay ka dibna dilay labo ruux.

Ugu yaraan 13 ruux ayaa ku dhaawacantay weerarka waxaana la geeyay isbitaallo kale, waxaa sidaas ku warantay warbaahinta Tolo News television oo soo xiganaysa saraakiil ka tirsan caafimaadka.

Qof ka mid ah shaqaalaha isbitaalka ayaa Facebook ku soo qoray "dadkii weerarka soo qaaday isbitaalka dhexdiisa ayay ku jiraan ee noo soo duceeya".

Qarax ayaa goor hore laga soo sheegay isbitaalka.

Lix iyo toban ruux ayaa magaalada Kabul ku dhintay labo todobaad ka hor ka dib labo qarax oo ay Taliban ka gaysatay halkaas.

Waa mid ka mid ah weeraro is xigxigay oo lagaga soo horjeedo xukuumadda Afghanistan iyadoo malayshiyaadku ay soo cusboonaysiiyeen weerarada ay gaytaan.

Xogasho BBC

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]