4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 8 , 2017
Dowladda oo ka hadashay dilalka dadka shacabka ay kula kacaan ciidamada

 Arbaco, 08, 2017 (HOL) - Iyadoo waayadii ugu danbeeyay ay soo ifbaxayeen tacadiyo ay dilalka ka mid yihiin oo ciidamada dowladda ay kula kacaan dadka rayidka ahaa waxaa arintan ka hadlay sii hayaha wasaarada amniga gudaha C/risaaq Cumar Max’ed.

Wasiirka ayaa sheegay in aan askarta dowladda marnaba loogu dulqaadan doonin sida uu hadalka u dhigay in ay dhibaateeyaan ama dil baraar ah u geystaan qof rayid ah.

‘’Askarigii lagu helo in si bareer ah uu toogasho ugu geystay qof rayid ah ama xitaa si aan ula kac aheyn u dila sharciga ayaa la hor geyn doonaa ciqaabta danbiga uu galay uu ku muteystana waa lagu qaadayaa’’ ayuu yiri wasiirka.

Dhawaan ayeey aheyd markii ciidamada ka tirsan dowlada Soomaaliya Isgoyska mashquulka badan ee Zobe magaalada Muqdisho ku dileen nin dhalinyaro ah oo watay gaari yar, waxaana la sheegay in markii ay toogteen kadib goobta isaga dhaqaaqeen.

Hasse ahaatee taliska militariga Soomaaliyeed oo arintan ka hadlay ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay askarigii dilka geystay sharcigana la horgeyn doono.

Magaalada Muqdisho ayaa lagu arkayaa ciidamo kala duwan oo kala duwan oo hadba dhinac isaga gooshaya kuwaa oo mar marka qaar dhibaato ay kala kulmaan dadka rayidka ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]